Saraakiisha soomaaliya 1960 fashion



Tan iyo burburkii Dawladdii Soomaliyeed ee 1991dii, markii dagaalka ehliga ah ka dilaacay Soomaaliya, ilaa maanta oo aan joogno 2017 ma jiro wax lagu tilmaami karo ciidan Qaran ama Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Waxaa jira waa meleeshiyo beeleed, qaab qabiilna u dhisan.
Qoddobka 126 ee Dastuurka JFS,waxuu ka hadlayaa suggidda amniga Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya,waxuu qodobkaasi leeyahay:

1. Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay damaanad qaadaysaa,nabadgalyadda, gobanimada iyo amaanka qaranka JFS iyo badbaadinta shacbigeeda iyadoo la adeegsanayo adeegyada ciidamada amniga.

2. Ciidamada qalabka sida ee JFS waxaa xil ka saaran yahay ilaalinta gobanimada iyo madaxbanaanida dalka iyo difaaca midnimada dhuleed.

Qoraaladii hore ayaan uga soo haddalnay Xoogga Dalka Soomaliyeed tariikhdiisii koobnayd iyo awoodiisa dagaal.
Maxaa loo baahan yahay si loo dhiso ciidan. Waxaa lagama maarmaan ah in saraakiisha soomaaliya 1960 fashion la helo:
Hogaan daacad ka ah in la dhiso ciidan Qaran
In la sameeyo dib u heshiisiin dhab ah.
Dhismaha ciidan ee waqtigan la joogo waa ka duwan yahay sidii hore oo ciidanka loo qori jiray. Waxyaabo badan baa is beddelay: Waxaa wadanka ka jira kooxo argagixiso ah oo isku dayaya in ay ku milmaan ciidamada cusub, oo marka ay tababar qaataan fulinay a ujeedooyinkoodii.
– In horta la diyaariyo saraakiishii iyo s/xigeenkii ciidanka tababari laha oo hoggaamin lahaa.
– Goobihii ama xeryihii ciidamada lagu tababari lahaa, xeryaahaas oo loo doorayo meelo ku haboon nabadgalyada ciidamada iyadoo loo loogu talo galyo ciidan ku filan difaaca xeryahaa.
– Ta’kulayntii oo ka kooban qalabkii iyo hubkii ay ciidamadu ku tabaran lahaayeen, dharkii, musharkii, gogashii iyo raashinkii.
Goobaha iyo qaabka loo soo xulayo ciidanka
Ciidanka waxaa laga soo xulayaa Dawlad Goboleedyada iyo Muqdisho, iyadoo ay isla xadadayan tirada gobol kasta helayo Dawladda dhexe iyo dawlad gobleedyada. Ama waa guddi loo xilsaaro.
Sidii aan horay u tilmaamnay qaabka ciidankan loo soo xulayo waa ka duwanaanayaa sidii hore, waxuuna noqonayaa sidan:

Qofka ka mid noqonaya fashion ciidanka waa in uu soomali yahay afka soomaaliga qori kara akhriyi karana, caafimaad qaba, da’diisu u dhaxaayso 18-30 sanadood, dambina aan ka gelin dalka, ka mid noqon ururada argagixisada ah ee dalka ka jira iyo kuwa dibadaba;

Ciidamada la qorayo waa in baaritaan dhab ah lagu sameeyo (screening) iyadoo la baarayo mudadii saddexda sano ee la soo dhaafay halka uu ku sugnaa, waxa uu qabanayey, cidda taqaana oo ka warbixin karta, suaalahaas, i.w.m.
Jadiidku marka uu baaritaankaa maro waxaa loo gudbinayaa xeradii uu tababarka ku qaadan lahaa, iyadoo loo fududeynayo wixii ta’kuleyn ah ee aan kor ku soo tilmaamnay,
Waxuu halkaa ku qaadanayaan lix (6) bilood oo tababarka jadiidka oo aay ka mid yhiin ciyaarsiiska, hubka fudud, jimicisiga, xeerka anshaxa milatariga(Dishiblina milatare) xeerka ciqaabta ciidamada(codice penale militare)iyo waddaniyada i.w.m.
Maxaa cusub oo ku siyaadaya tababarkan waa casharo Diini ah oo la xiriira Quraanka iyo sunnada nabiga (SCW) oo la siinayo ciidamada jadiidka ah si loogala dagaalamo xagjirnnimada iyadoo dariiqa saxa ahna lagu hanuuninayo.
Taliska XDS waxuu yeelanayaa Hogaanka Hanuuninta iyo wacyigalinta ciidanka, waxaa hogaankaa hoos imanya saraakiil iyo saraakiil xigeen aqoon dheer u leh Diinta islaamka. Ciidan kasta oo ka tirsan XDS waxaa loo dirayaa sarkaal iyo saraakiil xigeen u wacdiya.
Ciidamada jadiidka ah markay tabarka laayliga ah dhamaaystaan waxaa loo kala badalayaa waaxaha kale ee ciidanka si aay tababaro gaar ah u qaataan sida, madaafiicda goobta, war isgaarsiinta, lidka dayaaradaha, sahanka, sancada, saadka, sidoo kale qaar ayaa loo badalayaa ciidamada Cirka iyo Badda. Qaar kalena waxaa laga dhigaya ciidamada cusb.
Saraakiishii ka dambeeyey 1991kii dagaalka ahliga ahaa
Waxaa wadanka Soomaaliya ka jira saraakiil badan oo darajooyin wata, kuwaas oo kala ah sidan:
– Janano sareeyayaal aan la garan karin sida ay ku muteysteen darajadaa, kama aay soo bixin kulliyadaha saree ee ciidamada, mana ay soo xukumin ciidamo sida guutooyin, gaasas, qaybo oo ma laha khibradii looga baahnaa.
– Waxaad arkaaysaa darajada Gashaanle Sare oo lagu qaatay mudo 3 sano gudahood. Waxa kaliya oo aan ku tilmaami karno waa darajooyin lagu qaatay si aan wafaqsanaayn xeerka ciidanka.
Hadaba sida arrintaa loo xallin karo,waxaay noogu muuqataa, mar hadii aan rabno in aan dhisanno Ciidan casri ah oo la saan qaadaya aqoonta cusub ee ciidamada waxaa loo baahan yahay in ciidanka noocaas ay hogaamiyaan saraakiil aqoon iyo karti leh (academic).
Waxaan ku talinaaynaa in saraakiishaa aan kor ku soo xusnay ee darajada ayna mugeeda lahayn xambaarsan, in loo magacaabo guddi isugu jira saraakiil iyo sharci yaqaanno, iyadoo loo diyaarinayo imtixaan u qalma darajooyinka ay wataan, kuna salaysan maadooyinka hogaaminta ciidmada.
Imtixaankaa cidda ku guulaaysata loo qaato ciidanka, kuwa ku guuldaraystana loo raadiyo shaqooyin ka baxsan kuwa ciidanka.
Diyaarinta iyo tababarka saraakiisha iyo ciidanka
Waxaa waqtigan gacanta kula jira tababarka ciidamada dawlado badan sida Maraaykanka, Ingriiska, Turkiya, Imaaraadka, AMISOM, i.w.m.
Arrintaasi waxaay keenaaysaa is khilaaf xagga afka, luqada iyo tababarkaba. Hadaba si arrintaa looga gudbo waxaan ku talinayaa in saraakiisha loo helo hal kulliyad oo lagu soo tababaro sidii uu ahaan jiray Midowga Sofiyeeti ama mid taas oo kale u dhiganta.
Ciidamada Komaandoska, Dandab, i.w.m. waxaa ku talinayaa in loo daayo Dawldda Maraaykanka, maxaa yeelay waxaa muuqata in ciidamada gaarka ahi ee USA ay tababartay ay guulo ka soo hooyeen argagixiso la dirirka.
Ciidamada la qorayo waa in loo diyaariyaa horaanba agabkoodii
sida dharka, gogosha, raasinka iyo mushaarkaba.
Kulliyadaha iyo Dugsiada Tababarka
Waxaa dib loo dhisayaa oo loo diyaarinayaa kulliyadda tababarka saraakiisha, waxaana layli sarkaal loo qaadanayaa ardada dusiga sare ka baxday marka ay ka gudbaan imtixaanka bilowga ah oo ka kooban caafimaad iyo madooyin kale. Kuwaas oo aan horay u soo tilmaamay.

Kuliyada waxaa tababarka ka bixinaya saraakiil Somaali ah oo aqoon sare leh, hadii loo baahdna saraakiil ajnabi inta laga gaarayo isku filaansho, saraakiil xigeenku sida caadiga ah waxay qaabilsanaanayaan rigada, jimigsiga, deeganada layliga, saraakiisha iyo maamulada hoose.

Waxaa sidoo kale la dhisayaa dusiga tababarka s/xigeenka,
Halkaas oo lagu diyaarinayo saraakiil xigeenka kuwaas oo laf dhabar u ah ciidanka.

Ardada ka soo baxda jaamacadaha dalka, marka la hubiyo in shaadadiisu ay sax tahay arrintaas oo aay baarayaan guddi loo xilsaaray ama Hoggaanka saraakiisha, waxaa laga qaadayaa imtixaan lagu hubinayo aqoontiisa iyo caafimaadkiisa isagoo maraya baaritaankii saddexda sano ahaa ee lagu hubinayey waxuu meesha iyo wax uu ku sugnaa mudadaas (sreening).
Haduu ka soo gudbo imtixaankaa iyo baaritaankaa, waxaa waagii hore loo qaadan jiray, marka uu soo dhamaysto tababarka laayliga labo xidigle.

Waxaan hadda soo jeedinayaa, marka uu soo dhamaaysto kulliyadda laayli sarkaalnimada oo ah mudo labo sano, in lagu qaato darajada Dhamme (Captain).

Dhaqaalaha iyo Daryeelka Ciidanka
Waxaa jirta maah maah ciidamadu isticmaalaan taas oo ah: “Askariga amarka calooshuu ka qaataa” taas oo micnaheedu yahay waa in uu helaa xuquudiisa sida mushaarka, raashinka iyo agabka kale oo lagama maarmaan u ah noloshiisa.

Ugu dambeyntii, madaama ay dib u heshiisiintu lagama maarmaan u tahay dhismaha ciidanka Soomaaliya, waxaa loo baahanyahay in dib u heshiinta iyo dhismaha ciidanku is barbar socdaan, taas oo fududaaynaaysa isku dhafka ciidanka.

Ciidamada ku dhinta ama ku dhaawacma dagaalada waa in kuwa dhinta ay daryeel helaan qooysaskii aay ka tageen, kuwa dhaawacmana ay daryeel caafimaad oo heer sare ay helaan.

Waa in dib loo dhisaa xaruntii lagu xanaaneynayey agoonta ciidamda.

Dhismaha Hogganka kobcinta dhaqaalaha ciidanka

Ciidamada waa in loo abaabulaa sidii ay u gaari lahaayeen isku filaasho dhaqaale, taas oo ku iman karto in ay abuurtaan ilo dhaqaale sida beero warshado yaryar qataan qandaraasyo dhismaha wadooyinka,xafiisyad,qalbka xafiisyada.iwm.
Hogaankaas oo lagu dhisayo sharci gaar

Waa in la xaaran timeeyaa qalabka ciidamada ee magaalooyinka looga ganacsanyo sharci adagna laga soo saaro.

Waa in la kala saaro siyaasada iyo ciidamada, madaxweynuhu waa taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, waxaa haboon in uu u daayo maamulka ciidamada taliyayaashooda lana joojiyo darajoojiynkan ka soo baxaya madaxtooyada.

Darjada la bixinayo waa in ay ka timaadaa taliyaha ciidanka iyadoo soo maraaysa habkii kala saraaynta (Jiraarkia)

Waa in la joojiya ilaa waqti dambe wax la yirrahdo (merito) oo darjo aan waqtigeedii iyo hab sharciyeedkii ciidanka aan lagu bixin.

Waa in lagu ixtiraamo maamulka ciidanka taliyaasha, siyaasiyintuna ku ilaaliyaan.

Ciidan waxuu jiri karaa marka lagu maamulo cadaalad.

Ugu dambeyntii waxaan rajeynayaa in ciidamadeennu dib u dhismaan si nababgalyo iyo xasilooni dadkeennu u helo.

Wallahu Aclam

Abdullahi Egal ( Cagaaran)

Igala soo xiriira wixii su’aalo ama fariimo ah emailkan:
Golaha



Related news


Milan fashion week june 2019
Astro boy atlas 1980's fashion
Iconic album covers 90s fashion
Jacare e moda eu
Clavicus vile and barbas de moda
What to wear with cobalt blue skinny jeans
Superhero fashion comic
Wild child fashion party decor